Valitse kieli: 
Suomeksi 
Soomaali 
In English 
08.09.2010 23:33

Xarun dhaqameed loogu magac daray Abwaan Hadraawi oo lagaga dhawaaqay Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Sabada dhaxal-dhawrka Hadraawi (Hadrawi Heritage Foundation), ayaa xalay lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa, taas oo isla xalay la ballan-qaaday dhaqaale gaadhaya 64,000 oo Dollar.

 Munaasibad si wayn loo soo agaasimay, kana qayb galeen siyaasiyiin, abwaanno, Culima’udiin, madax-dhaqameed, Ganacsato, Dhakhaatiir, Suxufiyiin, masuuliyiin kale iyo marti-sharaf tiro badan oo kale oo lagu daah-furayay xaruntan ayaa lagu qabtay Hutel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Ugu horrayn waxa madashaaas ka hadlay Qoraaga Boobe Yuusuf Ducaale oo si qoto dheer uga waramay taariikh-nololeedka Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ka mid ahaa masuuliyiintii madasha fadhiyay, isla markaana masxafkan dhaqanka loogu magac daray. "Maxamed Ibraahim Warsame oo loo yaqaano Hadraawi, wuxuu sanadkii 1943-kii ku dhashay Miyiga Gobolka Togdheer. Caruurnimadiisii ayay Hooyadii Kaaha Jaamac Buux ay dhimatay, isaga oo yar ayaa Adeerkii Axmed Warsame Siciid (Niibsan) loogu geeyay magaalada Cadan ee dalkka Yemen. Aayooyinkii Caasha Maxamed Xasan iyo Shamis Xasan Nuur Qaaje, ayaa halkii Hooyadii u galay. Waxbarashadiisii hoose, dhexe iyo sareba wuxuu ku qaatay Dugsigii sare ee Saint Anthony oo ku yaalay magaalada Cadan, hal sanno ayaanu Cadan macallinimo kaga shaqeeyay." Ayaa ka mid ahaa hadalladii Boobe Yuusuf Ducaale oo ka mid ah Qoraaga Soomaalida. Waxaanu soo jeediyay in dhalinyarta Somaliland iyo guud ahaan Soomaalidaba looga tago dhaxal Suugaaneed iyo mid dhaqameed.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna halkaa ka hadlay, ayaa soo dhaweeyay Xaruntan, waxaanu tilmaamay inay ahayd mid loo baahan yahay, isla markaana wuxuu ammaan u jeediyay Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo fikradda lahaa.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, fikirka xaruntanna lahaa oo soo qaban-qaabiyay munaasibaddan oo isna halkaa ka hadlay, ayaa ka warbixiyay sababta keentay fikradda xaruntan lagu aasaasay oo uu sheegay inay ku dhalatay isaga ka dib markii uu arkay in aanay jirin meel lagu kaydiyo dhaqanka iyo Suugaanta Soomaalida oo u gaar ah. waxaanu halkaa ku soo bandhigay Buugaag qoran oo ah siyaasadda ay xaruntani ku shaqayn doonto iyo naqshadda dhismaha ee mustaqbalka.

Abwaan Axmed Aw-Geedi (Dheeraad) ayaa isna ku dheeraaday sida uu u dabar-go’ayo dhaqankii Soomaalida iyo kayd-la’aanta suugaanyahanka Soomaalida oo uu sheegay in aan qaar badan oo ka mid ah wax dhaxal ah laga dhigin. "Suugaanyahan badan ayaynaan wax kayd ah ka haynin, Abwaannadii hore oo dhan waxaynu ka haynaa Diiwaanka Maansada ee Tima-cadde oo uu Boobe Yuusuf qoray...waxaan leeyahay runtii waa loo baahnaa xaruntan." Ayuu yidhi Abwaanku.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo isna halkaa ka hadlay, ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay kaalmo dhaqaale ka geystaan Xaruntan, waxaanu sheegay in Abwaan Hadraawi ay ammaan ugu filan tahay marka la eego dadweynihii xalay madashaa isugu yimi miisaankooda.

Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo isna halkaa ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Xaruntan, isla markaana sheegay in ay Wasaarad ahaan gacanta ku hayaan taariikh badan iyo agab kala duwan oo Somaliland qaddiim ku ah iyo guud ahaan dhulka Soomaalida. Waxaanu tilmaamay in Somaliland goobo ka mid ahi ay ka taariikh horreeyaan dhulka Masaarida.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo sheegay in baahi loo qabay xarun noocan oo kale ah, waxaanu fikirkaa ku ammaanay Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi.

Sidoo kale, dadkii halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa Xil. Cabdikariim Aw-Cali Shabeel oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland, Maxamed Baarjeex oo ka mid ah Ganacsatada, Abwaan Maxamed Aadan Dacar, Fannaanada Saynab Cige iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, kuwaas oo dhammaantood fikirkooda ku cabbiray sida loogu baahan yahay madal noocan oo kale ah oo lagu dhawro dhaqanka iyo Suugaanta Soomaalida.

Ugu dambayntii, waxa siyaasiyiintii, ganacsatadii, Dakhaatiirtii, aqoonyahankii iyo guud ahaan dadkii halkaa goob-joogga ka ahaa si shaqsiyan ah ugu deeqeen lacagoyow u dhaxeeya 500 ilaa 10,000 oo Dollar oo ay ballan-qaadeen inay ku bixin doonaan taageerada xaruntan, taas oo isu geyn noqonaysa 64,100 oo Dollar. Dhinaca kale, waxa halkaa lagaga yaboohay xoolo nool oo isugu jira Geel, Adhi iyo Fardo.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

 

Lisätty: 20.02.10

Shirkada Diyaaradaha Ee Daallo Airlines Oo Daboolka Ka Qaaday Inay Qiima Dhismis U Sameysay Macaamiisheeda.
Uutisoitu: 07.09.10, Lisätty: 07.09.10 11:45
Rakaabkii Saarnaa Diyaarad Kamida Shirkada British Airways oo Khal Khal & Naxdin Ku Timi
Uutisoitu: 31.08.10, Lisätty: 31.08.10 11:35
Tyttö taisteli raiskaajaa vastaan Tampereella
Uutisoitu: 30.08.10, Lisätty: 30.08.10 18:48
Sadat lapset sairastuivat porkkanasta - myyjille vankeutta hovissa
Uutisoitu: 30.08.10, Lisätty: 30.08.10 18:39
Arsenal Iyo Chelsea Oo Dhulka Dhigay Blackburn Iyo Stoke City
Uutisoitu: 29.08.10, Lisätty: 29.08.10 15:52
Horyaalka Ingiriiska oo sii kululaday Chellesa oo 7 gool ku jiidhay Aston Villa
Uutisoitu: 28.03.10, Lisätty: 28.03.10 10:32
Kooxda Portsmouth oo ka ciyarta Premier League Ingiriiska oo xaraashaysa laacibiintii u ciyaari jirtay
Uutisoitu: 24.03.10, Lisätty: 24.03.10 23:32
Laacibka Rooney iyo laacibka Messi Ayaa U Tartamaya Laacibka Qaarada Yurub Ee Sanadka
Uutisoitu: 20.03.10, Lisätty: 20.03.10 15:26
Barnaamijyada Laanta Afka Somaaliga
Uutisoitu: 20.03.10, Lisätty: 20.03.10 11:09
Real Madrid oo ka Hadhay Tartanka Horyaalada Yurub
Uutisoitu: 12.03.10, Lisätty: 12.03.10 21:48
Manchester oo Mar Kale Cashir u Dhigay AC Milan
Uutisoitu: 12.03.10, Lisätty: 12.03.10 21:43
Inter Milan iyo Chelsea oo ku kulmaaya ciyaaraha horyaalka Europe caawa 24/02/2010
Uutisoitu: 24.02.10, Lisätty: 24.02.10 21:13
Xarun dhaqameed loogu magac daray Abwaan Hadraawi oo lagaga dhawaaqay Hargeysa
Uutisoitu: 20.02.10, Lisätty: 20.02.10 10:05
Horyaalka Kubadda Golf-ka Adduunka Tiger Woods Oo Raali Gelin Ka Bixiyey Gogol Dhaafkii Uu Sameeyey
Uutisoitu: 20.02.10, Lisätty: 20.02.10 09:23
C/Salaan Caddaay Oo Markii Ugu Horeysay U Saftay Kooxda Manchester City Ee Dalka Ingiriiska.
Uutisoitu: 10.02.10, Lisätty: 10.02.10 13:48
Ciyaaryahanka Caddaay iyo Wacdaraha Ciyaaraha Yurub
Uutisoitu: 03.11.09, Lisätty: 03.11.09 10:14
Poliisit, missä turvavyöt?
Uutisoitu: 22.10.09, Lisätty: 22.10.09 10:34
Nuori rattijuoppo ajoi kaiteeseen Espoossa
Uutisoitu: 27.08.09, Lisätty: 27.08.09 11:50
Jacksonin äiti sai lasten tilapäisen huoltajuuden
Uutisoitu: 22.07.09, Lisätty: 22.07.09 12:58
Huh, mitkä housut! (Obama)
Uutisoitu: 22.07.09, Lisätty: 22.07.09 12:52
Roope voitti 150 000
Uutisoitu: 09.06.09, Lisätty: 09.06.09 15:46
Hovioikeus pidensi hiv-miehen tuomiota
Uutisoitu: 05.06.09, Lisätty: 05.06.09 10:17
Cristiano Ronaldo jättämässä ManU:n?
Uutisoitu: 28.05.09, Lisätty: 28.05.09 11:52
Venäjä: Anton sai kansalaisuuden, koska asui Venäjällä!
Uutisoitu: 28.05.09, Lisätty: 28.05.09 11:50
Poliisi valvoo tehostetusti nuorten juopottelua
Uutisoitu: 25.05.09, Lisätty: 25.05.09 13:26
Alaikäisten viinaostokset kuriin tehovalvonnalla
Uutisoitu: 25.05.09, Lisätty: 25.05.09 13:25
Uhkauksista avioero
Uutisoitu: 22.05.09, Lisätty: 22.05.09 18:30
Missä on Aurora, 16?
Uutisoitu: 22.05.09, Lisätty: 22.05.09 18:24
Millaisia nuoria Eurooppa tarvitsee?
Uutisoitu: 18.05.09, Lisätty: 18.05.09 14:21
“Ma Waxaanu Joognaa Meel Bilaa Rajo Ah
Uutisoitu: 18.05.09, Lisätty: 18.05.09 10:38
Maahanmuuttovirasto on arvioinut Irakin turvallisuustilanteen uudelleen
Uutisoitu: 14.05.09, Lisätty: 14.05.09 12:03
Työttömyydestä on tullut nuorten miesten ongelma
Uutisoitu: 06.05.09, Lisätty: 06.05.09 19:22
Nuorten päihteiden käyttö vähentynyt
Uutisoitu: 04.05.09, Lisätty: 04.05.09 08:30
Kielitodistukset tarkistetaan jo ennen käsittelyä
Uutisoitu: 27.04.09, Lisätty: 27.04.09 09:24
Kansalaisuushakemusten jonotilannekatsaus, huhtikuu 2009
Uutisoitu: 27.04.09, Lisätty: 27.04.09 09:22
USA: Somalimerirosvot nuoria ja kokemattomia
Uutisoitu: 14.04.09, Lisätty: 14.04.09 13:06
Pääsiäisen menoliikenne vilkkaimmillaan illalla
Uutisoitu: 09.04.09, Lisätty: 09.04.09 08:10
Ministeri Holmlund: Maahanmuuttajanuorten hyvä kotoutuminen parantaa sisäistä turvallisuutta
Uutisoitu: 31.03.09, Lisätty: 31.03.09 11:06
200 vuotta sitten - Suomen kansalaisuuden juurilla
Uutisoitu: 30.03.09, Lisätty: 30.03.09 10:34
Putin-nuorten tiedotustilaisuus Finlandia-talossa peruttu
Uutisoitu: 30.03.09, Lisätty: 30.03.09 10:32
Maahanmuuttoviraston tilastoanalyysit ilmestyivät
Uutisoitu: 26.03.09, Lisätty: 26.03.09 08:47
Ainakin 17 kuollut lentoturmassa USA:ssa
Uutisoitu: 23.03.09, Lisätty: 23.03.09 08:27
MTV3: Katainen patistaa nuoria töihin
Uutisoitu: 16.03.09, Lisätty: 16.03.09 11:15
Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul u cambaaraysay hadal dhawaan ka soo yeedhay dawladda Finland,
Uutisoitu: 16.03.09, Lisätty: 16.03.09 10:11
Maahanmuuttajat Helsingin rikkaus
Uutisoitu: 12.03.09, Lisätty: 12.03.09 13:43
Suomalaislaivasta löytyi kolme salamatkustajaa
Uutisoitu: 10.03.09, Lisätty: 10.03.09 12:24
Kadonnut 17-vuotias tyttö löytyi
Uutisoitu: 10.03.09, Lisätty: 10.03.09 12:20
Missä on Sonya, 17?
Uutisoitu: 09.03.09, Lisätty: 09.03.09 11:16
Suomeen lumikourusta nuorten MM-pronssia
Uutisoitu: 09.03.09, Lisätty: 09.03.09 11:10
Finland opened diplomatic relations with Djibouti
Uutisoitu: 04.03.09, Lisätty: 04.03.09 18:20
Nuorten riita päättyi puukoniskuihin Tampereella
Uutisoitu: 02.03.09, Lisätty: 02.03.09 14:50
Kansalaisuusilmoituspäätöksessä voi näkyä vanha nimi
Uutisoitu: 02.03.09, Lisätty: 02.03.09 12:11
Uhkausviesti pilasi koulupäivän
Uutisoitu: 26.02.09, Lisätty: 26.02.09 18:13
Poliisia epäillään sakkorahojen varastamisesta
Uutisoitu: 26.02.09, Lisätty: 26.02.09 18:10
3-vuotias tyttö eli kuin koira
Uutisoitu: 26.02.09, Lisätty: 26.02.09 18:09
Työntekijän oleskelulupahakemus kannattaa jättää ajoissa
Uutisoitu: 26.02.09, Lisätty: 26.02.09 08:59
Karkotukset mediassa sata vuotta sitten
Uutisoitu: 23.02.09, Lisätty: 23.02.09 10:58
Karkotettu somali: Somalimaa on kieltänyt jäämästä alueelleen
Uutisoitu: 17.02.09, Lisätty: 17.02.09 11:51
"Päivähoito on kriisiytymässä"
Uutisoitu: 10.02.09, Lisätty: 10.02.09 17:40
Kansalaisuushakemusten jonotilannekatsaus, helmikuu 2009
Uutisoitu: 09.02.09, Lisätty: 09.02.09 10:05
Nuorten maahanmuuttajien koulutustarve kasvaa
Uutisoitu: 05.02.09, Lisätty: 05.02.09 08:45
Lapsiasiavaltuutettu kiirehtii päihdeäitityöryhmän ehdotusten toimeenpanoa
Uutisoitu: 02.02.09, Lisätty: 02.02.09 15:22

Uutisoitu: 02.02.09, Lisätty: 02.02.09 15:19
Kansalaisuushakemusten jonotilannekatsaus, tammikuu 2009
Uutisoitu: 02.02.09, Lisätty: 02.02.09 15:14

Uutisoitu: 02.02.09, Lisätty: 02.02.09 15:14, muokattu: 02.02.09 15:16
Aseluvan Kauhajoella myöntäneelle poliisille syyte
Uutisoitu: 27.01.09, Lisätty: 27.01.09 18:49
Lastensa rahat kavaltaneelle äidille ehdollista
Uutisoitu: 27.01.09, Lisätty: 27.01.09 18:42
Saana Hyttinen paransi jälleen nuorten Suomen ennätyspisteitä
Uutisoitu: 26.01.09, Lisätty: 26.01.09 09:41
Kansalaisuushakemusten käsittely nopeutuu
Uutisoitu: 22.01.09, Lisätty: 22.01.09 18:16
Maahanmuuttajille töitä Yhteisvastuukeräyksellä
Uutisoitu: 22.01.09, Lisätty: 22.01.09 17:44
11-vuotiaat helsinkiläiset
Uutisoitu: 21.01.09, Lisätty: 21.01.09 14:17
Tiedote 2/2009
Uutisoitu: 21.01.09, Lisätty: 21.01.09 11:43, muokattu: 21.01.09 11:44
Saana Hyttiselle myös nuorten pisteiden Suomen ennätys
Uutisoitu: 19.01.09, Lisätty: 19.01.09 12:36
Maahanmuuttajat pitävät Suomen siistinä
Uutisoitu: 15.01.09, Lisätty: 15.01.09 09:18
Pikkulasten ruokavalio edelleen huonolla tolalla
Uutisoitu: 14.01.09, Lisätty: 14.01.09 18:16
Sosiaali- ja terveysalalle valmistava koulutus maahanmuuttajille (soteVALMA)
Uutisoitu: 12.01.09, Lisätty: 12.01.09 09:57, muokattu: 12.01.09 09:57
Nuorten MM: Suomen toivo mureni voittomaalikilpailuun
Uutisoitu: 12.01.09, Lisätty: 12.01.09 09:49
Nuori suomalaismiljonääri kuoli Thaimaassa
Uutisoitu: 08.01.09, Lisätty: 08.01.09 10:05
Nuorisojoukko nujakoi poliisin kanssa Vantaalla
Uutisoitu: 05.01.09, Lisätty: 05.01.09 13:10
Nuori, taisi mennä tämäkin uutinen ohi
Uutisoitu: 11.8.2008, Lisätty: 05.01.09 12:14, muokattu: 05.01.09 12:15
Nuoret hyökkäsivät vartijan kimppuun metroasemalla
Uutisoitu: 03.01.09, Lisätty: 04.01.09 16:07
Nuoret hyökkäsivät maahanmuuttajien kimppuun
Uutisoitu: 02.01.09, Lisätty: 04.01.09 16:07
Ryöstäjät uhkasivat myyjää veitsellä Lahdessa
Uutisoitu: 03.01.09, Lisätty: 03.01.09 12:51
Nuorten MM: Venäjä kuritti Suomen puolustusta
Uutisoitu: 30.12.08, Lisätty: 30.12.08 18:31, muokattu: 31.12.08 08:46
Kaksi nuorta somalimiestä karkotetaan
Uutisoitu: 23.12.08, Lisätty: 29.12.08 09:03, muokattu: 29.12.08 09:04
12-vuotias tyttö pelasti sisaruksensa
Uutisoitu: 22.12.08, Lisätty: 29.12.08 09:02
Nuorten miesten mielenterveys syyniin jo ennen kutsuntoja
Uutisoitu: 22.12.08, Lisätty: 29.12.08 09:00
Nuorten huumeiden käyttö ja autovarkaudet vähenivät
Uutisoitu: 11.11.08, Lisätty: 23.12.08 10:27
Monikulttuurisuus
Uutisoitu: 19.12.08, Lisätty: 19.12.08 10:13
Lasten ja nuorten hyvinvointia tutkitaan Suomen Akatemian tuella
Uutisoitu: 17.12.08, Lisätty: 17.12.08 08:53, muokattu: 17.12.08 08:53
Teini-ikäisten masennus lisää nuorten päihdeongelmia
Uutisoitu: 21.10.08, Lisätty: 10.12.08 14:26
Nuorten alkoholinkäyttö lisääntynyt
Uutisoitu: 27.09.08, Lisätty: 10.12.08 14:25
Nuorten aikuisten mielialahäiriöt lisääntyneet selvästi
Uutisoitu: 12.10.08, Lisätty: 10.12.08 14:24
Nuorten huumekuolemat lisääntyneet
Uutisoitu: 28.10.08, Lisätty: 10.12.08 14:21
Perhesidehakemusten määrä kasvoi vuonna 2007 lähes kolminkertaiseksi
Lisätty: 10.12.08 12:10
© 2008 Suomen Somaliland kehitys ja integraatio rySivut: www.nettikari.fi